X

Somaliya oo barwaaqo hadana caruurtu macaluul u dhimanayaan iyo warbixin abaaro cusub laga qorey

Somaliya waa wadan barwaqo laakin sidii burburku u yimi waxa jirtey in ay wadanku galay marxalad xun iyo maamul xumo tii ugu xumayd taas oo keenta in dadka Somaliyeed u dhintaan macaluul qaxna ka bixi waayaan.

Hay’adaha jooga dalka Somaliya guud ahaan kuna soo gala dalka in ay dadka caawiyaan badankoodna yihiin basaasiin ayaa soo wariyay in bartamaha Somaliya iyo Koofurta ay ka jiraan cuno yaraan.

Koofurta iyo bartamaha Somaliya ayaa ah meelaha dalka barwaaqadiisu taalo iyadoo aymaraan labada wabi ee dalku leeyihiin ayna degan yihiin dadka ugu badan.

Waxay soo sheegeen in ilaa 4 milyan oo caruura ay macaluul ba’an hayso maadaama uu guud ahaan yaradey roobkii di’i lahaa laba xilli roobaad iyo fadahaado qaaday dalagii soo gu’i lahaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.