Kiiniya ayaa diidey inay berito dacwadeeda dhiibato waxana la sheegayaa in Somaliya gudbinayso dhegeysiga ugu dambeeya dacwadeeda halki ay ahayd inay dhiibato usbuuca dambe.
Kiiniya ayaa ku fashilantey inay wax waaqica la timaado inkastoo hadda ay si caadiya kheyraadka uga gurato biyaheena o ay isaga dartey ayuu yiri Cali Calasow.
Dhegeysiga beri kadib waxa la filayaa in maxkamadu soo gudbiso go’aankeena ugu dambeeya muddo lix bilood kadib. Wayna iska cadahay in Kiiniya waxba halkan u oolin ee ay sheegtay inay qaramada midoobey ka dagaalami doonto.
”Waxa Kiiniya lagu waaniyay inay dacwada dhegeysiga ka harto ee ay ka dagaalanto qaramada midoobay ayuu yiri Xuseen Warsame.
C/llahi Warhaye
ARAABINEWS