X

Somaliya oo bilowdey baarista cudurka hargabka Shiinaha

Waxa magaalada Muqdisho laga bilaabay baarista cudurka hargabka Shiinaha ee sida xun ugu faafay Shiinaha. Tirada ugu dambeysay ee cudurku soo ritey ayaa gaaraysa 35kun oo qof halka dhimashadu gaarayso ilaa 400 oo qof.


Haddaba Somaliya ayaa la sheegay in la keenay qalabka lagu baaro xanuunka oo hawada lagu kala qaado sida qufaca, hindhisada iyo xataa qofkii oo qaba oo aan ogeyn haddana gudbinaya.


Garoonka magaalada Muqdisho ayaa haddaba laga bilaabay in la baaro dadka soo degaya. Cudurkan ayaa aad u adag in laxakameeyo ayado marba marka sii dambeysa uu sii faafayo.


”Waxaan bilowney in aan mid mid u baadhno dadka soo degaya ayuu yiri masuul u hadley wasaarada caafimaadka. Waxana muuqata in dhawaan dalku la soo degay agabka lagy baadhayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.