X

Somaliya oo duufaano ku soo socdaan iyo digniin laga bixiyay

Laanta hawada saadaalisa ayaa sheegtay in Somaliya ay ku soo socdaan duufaano wata biyo farabadan oo ku dhifan doona gobolada Sool, Butlaan ilaa Bakool. Waxa la socda dabaylo xoogan.


Nimcada RABI ayaa marar badan nusqaanteeda wadata ayadoo roobabkaas ay ka dhashaan daadad farabadan oo keeni kara waxyeelo qaasatan dhinaca wadooyinka iyo mararka qaar dadkaba.

Duufaankan ayaa la filayaa inuu yimaado bartamaha uscbuucan maanta oo Sabti ah bilowdey. Waxa sanadihii u dambeeyay ka da’aayay dalka roobab lagu diirsaday oo barwaaqeeyay dhulka.


Xilli deyraadkan ayaa meelo badan uu roobku ka curtey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.