Madaxa kubada cagta ee Somaliya Cabdulqani Siciid oo waraysi bixiyay ayaa sheegay in Somaliya isku diyaarinayso in ay ka qaybgasho ciyaaraha Afrika sanada 2019. Cabdulqani ayaa ku macneeyay arintaasi iyadoo dalku dhisanayo garoon caalami ah oo la rajaynayo in uu dhamaado dhamaadka sanadkkan iyo dhinaca deganaanshaha dalka oo sii hagaagaya.
Somaliya ayaa ka maqnayd kulamada koobabka Afrika oo ay ugu dambeysay sanadii 1974 taas oo lagu macneeyay lacag la’aan iyo iyadoo ayna jirin garoomo dhisan oo lagu ciyaaro.
Somaliya ayaa gashay ciyaaraha Afrika hal intaa wixii ka dambeeyayna ma deganayn siyaasad ahaan markii dambena waxaba burburay dalkii dhamaa.
Dalka curdinka ee Eratariya ayaa iyaduna aanba ka qaybqaadan kulamada Afrika oo ay ku jiraan ilaa 54 wadan oo sanad walba ciyaara.
ARAABINEWS