X

Somaliya oo ka qaybgalaysa shirka dhaqanka iyo dalxiiska: SAWIRO

Somaliya ayaa ka qaybgalaysa shirka dhaqanka iyo dalxiiska.

Wasiirka Warfaafinta ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka H.E. Talib Rufai iyo mas’uuliyiinta Hay’adaas, iyadoo Safiir Taano iyo Yasir Baffo ay Wasiir Yarisow ku wehliyeen kulankan.



Arrimaha laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa qorsheyaasha Somalia ee lagu soo nooleynayo dalxiiska iyadoo Wasiir Yarisow uu sharaxay ahmiyada ay dalka u leedahay si loo helo maalgeshi caalami ah iyo arrimo kale.

Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Soomaalida ay dhaqan ahaan yihiin dad si sharaf leh martida u soo dhoweeya isla markaasna jecel safarka, tanoo siineysa awood ah in dalxiiska si deg-deg ah loo soo nooleyn karo.



Yarisow ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan in ka badan 150 shirkadaha iibiya tikidhada ayna jiraan diyaarado Soomaali leeyihiin oo si joogta ah u duulimaada, iyadoo diyaarada Turkish Airlines ay maalin walba tagto Soomaaliya.



Wasiirka ayaa sheegay in Qurbo-joogta ay dalka u soo dalxiistagaan isla markaasna Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ay dhiirigelin doonto in qoysaska Soomaalida ee Qurbaha la keeno dalka si ay u bartaan dhaqankooda, dhalinyarada dalka gudihiisa joogtana shaqo ugu abuuraan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.