X

Somaliya oo Koofur Afrika kala hadashay arin muhiima

Somaliya ayaa dalkaasi Koofur Afrika kala hadashay atim muhiima. Wasiirka arimaha dibedda Somaliya Axmed Cawad oo la socda wefdiga madaxweynaha ee ku sugan Itoobiya ayaa la kulmey dhigiisa haweenayda lagu magacaabo Lindiwe Sisulu.


Kulanka oo lagu lafagurey xiriirka labada dal ayaa wasiirku uga faaiideystay inuu kala hadlo dilalka Afrikaanku kula kacaan Somalida u xoogsi tagtey halkaasi oo madowgu ka cadhoodeen.

Lindiwe Sisulu ayaa dhinaceeda sheegtay in dawladu waxweyn ka qabatey dilalka dadkeedu u gaysato Somalida oo ilaa sanadihii u dambeeyay gaaraya dilalka ay Somalida u gaysteen ilaa 20.


Ma sheegin dawladu in magdhow siinayso dadka Somalida ee la diley iyadoo la ogyahay goobaha Somalidu ka ganacsato oo ah goobo Afrikaanka fiqiirka degan yihiin ayna jirin dawlad xoogan iyo kala dambeyn kuna jirina caymis.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.