Somaliya ayaa sharci ka soo saaraysa tacadiga gudniinka ee gabdhaha loo gaysto. Gabdhaha Somaliyeed ayaa boqolkiiba 99 la marsiiyaa tacadiga gudniinka ayadoo usbuucii hore ay dhiig bax u dhimatey gabadh yar oo la mariyay tacadigaas.
Gudniinka oo aan diin shaqo ku lahayn ayaa ah dhaqan aad u xun oo Somalida uga yimi dalkaasi Masar oo faraaciintii hore sii jarjari jireen haweenkooda markey safarka u baxayaan sida taariikhda laga soo wariyay.
Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliya ayaa hadal uu ka jeediyay shir looga hadlayay tacadigan gabdhaheena lagula kaco ayaa sheegay in sharci adag la geyn doono barlamaanka.
”Dhibka ugu weyn ayaa ah sidii loo fulin lahaa sharciyada la mariyo barlamaanka fadhiidka ah ayadoo hore ay u jireen sharci ay dawladii adkeyd ee kacaanku ka soo saartey tacadiga gudniinka ayuu yiri Xasan Keynaan oo ah dadka sida aadka ah u dareensan in aan gabadh dambe jirkeeda la jarjarin.
”Wuxuu intaa raaciyay waxaad ka maqli wadaad sidan looma xiirto, kan lama marsado waayo jirka ayaad abuurkiisa bedelaysaa laakiin markey timaad in la jaro xubno muhiim u ah haweenkeena oo RABI u abuurey kuma dhiiran karaan inay dadka u sheegeen waayo dhaqankaa ka xoogweyn ayuu raaciyay Xasan Keynaan.
Xuseen C/raxmaan ayaa isna yiri ”Somaliya waxa dhibku ka taagan yahay sidii loo dhaqan gelin lahaa sharciyada la mariyo barlamaanka waayo awoodii fulinta ayaa gacanta la hayaa. Ka hadli meyno maamul goboleedyo waayo kala dambeynba kama jirto goobahaas.
”Joojinta tacadiga gudniinka ayaa ah waxa ugu fudud ee wax laga qaban karo maadaama dadka fuliyaa ay yihiin haween oo RAGGU ayna waxba ka ogeyn in gabdihiisa la soo jarjarey iyo in kale, halkaasna waxa maqan kaalintii RAGGA oo gabey masuuliyadii laga saaray reerkiisa.
Haweenku inaba qalad kuma leh tacadigan loo gaysto gabdhaha waxay kaliya raacayaan dhaqan soo jireena oo RAGGII hore ka yimi ayay tiri Haweeya Maxamed. Hadaad rabtaan in aan gabdhaha la taaban waa inay iyagu hogaanka qabtaan oo is bedelaan ayay raacisay Haweeya.
Isku soo duub hadalka xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir ayaan wax bedeli karin ilaa la dhaqan geliyo kuwii hore, dalkana laga tirtiro hal dhaqan oo ku raagey dhibweyna ku haya bulshada qaybteeda ugu muhiimsan.
Warbixintii C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS