X

Somaliya oo taageero u muujisay Shiinaha xilliga adag ee ay ku jiraan

Ayadoo uu sii kordhayo faafinta xanuunka Hargabka Shiinaha ayaa waxa jira wadamo badan oo is biirsaday oo dadkooda kala soo baxaya gobolka udunta u ah cudurkaan oo ilaa hadda dhimashadu ku dhowdahay 400.


Haddaba Somaliya kama mid aha wadamada ayagu soo daadgureynaya ardayda iyo dadka kale ee Somalida ee jooga dalkaasi waayo awoodna uma leh inay talaabo noocaasa qaado mana laha agabkii iyo daawadii loo baahnaa.


Waxana u roon Somalida halkaas joogta inay raacaan talada ay soo jeediyaan madaxda caafimaadka ee dalkaasi si ay uga badbaadaan halista cudurka uguna gudbina dadka kale.

Wasiirka arimaha dibedda Axmed Ciise ayaa tilmaamay inuu xiriir toosa la leeyahay ardayda ku nool gobolkaas, ayaa quraac sharafeed aqalkiisa ugu sameeyay safiirka Shiinaha u jooga Somaliya waxana uu u muujiyay taageerada ay Somaliya u hayso Shiinaha xilli ay ku jiraan xaalad degdega.


Waxana uu sheegay wasiirku in wasaaradiisu la shaqayn doonto madaxda safaarada Shiinaha si Somalida halkaas joogaa u helaan adeega ay u baahan yihiin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.