X

Soo jeedin ay saxiixeen 130 xildhibaan oo barlamaanka loo gudbiyay

Waxa fadhiga golaha shacabka loo gudbiyay soo jeedin ay saxiixeen 130 xildhibaan oo ku aadanaa xeerka qoondada haweenka oo la musuqey xilligii fadhiid Xasan Sheekh.


Waxaana soo jeedintan ujeedadeedu ahayd in kuraasta Haweenka ku leeyihiin Baarlamaanka ay ku tartamaan haweenka oo kaliya.
Xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo kamid ah xildhibaanada mooshinkan wax ka saxiixay ayaa sheegtay in Gudoonka baarlamaanka laga doonayo in soo jeedintaas la aqbalo lana galiyo cod.


Waxa jira barlamaanka hadda sii dhamaanaya in si cad loo musuqey qoondada haweenka. Ujeedada soo jeedintan ayaa ah in aan sidii hore loo musuqin qoondada haweenka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.