X

Soomaliya oo marti gelinaysa shirka ururka Islaamka iyo wadamada yimi: SAWIRO

Wafdi ka socda ururka iskaashiga Islaamka ayaa Muqdisho soo gaaray. Wafdiggaan ayaa waxa ka mid ah  Boqortooyada Sucuudiga, Turkiga iyo Malaysiya, iyo sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Mudane Danjire Hishaam Yuusuf oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu waddaa in uu ka furmo Berri Magaalada Muqdisho.


Shirkan ayaa noqonaaya kii u horeeyay ee ay marti geliso Soomaaliya, sida lagu go’aamiyay qaraar ka soo baxay shirrkii 44aad iyo 45aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee Bangladeesh.


Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaana ka qeyb geli doona illaa 15 dal oo kala ah:-

Buruneel, Turkiga, Jabuuti, Gaaboon, Malaysiya, Sucuudiga, Imaaraadka, Qadar, Bakistaan, Suudaan, Yaman, Iiraan, Kuwayd, Masar, iyo Azerbajaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.