X

Sucuudiga iyo Imaaraadka miyaa bixiyay kharashka weerarkii lagu xasuuqay dadkeena

Sucuudiga iyo Imaaraadka miyaa bixiyay kharashka weerarkii lagu xasuuqay dadkeena. Sida sarkaal qariyay magaciisa uu u sheegay idaacada Maraykanka ee VOA waxa uu shegay halka lagu waday qaraxan.

Sarkaalkan ayaa sheegay in qaraxan lagu waday saldhiga Turkigu ku leeyahay Muqdisho oo ay diidan yihiin dhamaan dawladaha jaarka, Sucuudiga, Imaaraadka iyo inta neceb in Somaliya lugaheda ku istaagto.



Xeradan Turkigu ka hirgeliyay Muqdisho ayaa ah xero tababar ee aan ahayn saldhig milatari sida dadku ku qaldayaan maadaama ujeedada loo abuurey ay tahay in laugu tababaro ciidanka Somalida si ay dalkooda u difaacaan.



Wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa diidan xeradan tababarka ciidamada waxayna codsadeen in Turkigu ka baxo waase laga diidey. Qadar ayaa iyana dhankeeda farta ku fiiqdey in qaraxan argagixisadu fulisay ay ka dambeeyeen Sucuudigu.



Xasuuqan ayaan shiki ku jirin in argagixisadu fulisay laguma yaqaan in ay tacsi diraan maadaama shacabka dhan ay u haysato kuwo diinta ka baxay una arag in dhiigooda iyo maalkoodu muhiim yahay. Dhiigaas iyo maalkaas oo ay maalin kasta daadiso burburisana hanti.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.