X

Sucuudiga oo bilaabaya dal-kugal nooca dalxiiska ah yaase faaiido ku qaba

A picture taken on January 19, 2018 shows Saudi women walking during the King Abdulaziz Camel Festival in Rumah, some 160 kilometres east of Riyadh. For decades the religious police, "mutawa" as they are known, wielded unbridled powers as arbiters of morality, patrolling streets and malls to snare women wearing bright nail polish and chastise men seeking contact with the opposite sex. In recent years, Saudi Arabia launched a series of reforms, including gradually diminishing the mutawa's powers to arrest. Crown Prince Mohammed bin Salman has further cut back the political role of hardline clerics in a historic reordering of the Saudi state. / AFP PHOTO / FAYEZ NURELDINE (Photo credit should read FAYEZ NURELDINE/AFP/Getty Images)

Sucuudiga ayaa bilaabaya dal-kugal nooca dalxiiska ah oo ay joojiyeen sanadii 2010. Sucuudiga ayaa dadkiisa dulsaaray dhaqamo aad uga fog diinta oo ku dhisan Wahaabiyada sida in dumarka loo ogoleyn inay gawaarida kexeeyaan.



Dal-kugalkan cusub ayaa waxa hormood ka ah boqorka da’da yar ee Maxamed Salmaan oo tartan kula Jira wadamada gobolka sida Imaaraadka iyo Baxrayn oo dadku xor u noolyihiin.

Dal-kugalkan dalxiiska ayaa dadka u fududeynaya inay xajka si fudud ku tagi karaan kuna booqan karaan Sucuudiga. Dal-kugalka cusub ayaa ah nooca elektarooniga.



Dumarka 25 ka weyn ayaa xataa ay u ogolaadeen inay siiyaan dal-kugalka dalxiiska ayagoo keligooda, waxayse xanibeen kuwa da’doodu ka yartahay 25 oo ay dalbadeen in qof la socdo.

Intii boqorkan yar booska loo magacaabay wuxuu sheegay inuu soo celin doono diinta saxda ah kana fogaan doonaan Wahaabiyada oo uu sheegay in markii horeba dalka ku khasabtey kacaankii Iiraan.

Wahaabiyada ayaa dhinaca kale xaramka dul dhigey saacad weyn oo aan loo baahneyn iyo huteelo ayagoo burburiyay dhul qadiimi ah oo muujin lahayd noloshii asxaabtu ku nooleyd.



Faaiidada ugu weyn ayaa waxa qaba dadka xajka ama cimrada u socda oo si fudud ku helaya dal-kugalkan bilaabmaya bisha soo socota kowdeeda.

Lama hubo dadka dalxiiska u socda in at xor ku mari doonaan dhulka dalka iyo shirkado maamuli doonaan taas oo ka fog xoriyada.

Sucuudiga ayaa dhisaya dhismaha ugu dheer aduunka halka uu wado magaalo u gaara dalxiiska oo uu ka dhisayo badda cas.

 

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.