Sucuudiga ayaa sheegay in at dhaqaatiir dhinaca xoolaha ah u soo dirayaan Somaliya kadib markii ay cunaqabatayn saartey xoolaha Somaliya oo dhan.
Wasaarada xanaanada xoolaha iyo deegaanka Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in dhaqaatiir Sacuudiyaan ah ay usoo direyso dalka Soomaaliya, kuwaasi oo hubin doona caafimaadka xoolaha Soomaaliyeed ee loo dhoofiyo Sacuudiga.
Dhaqaatiirta ayaa tagi doono magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso oo ay ku yaalaan maxjarada ugu badan ee laga dhoofiyo xoolaha loo iib geeyo dalka Sacuudiga.
Sacuudiga ayaa xoolo gaaraya 10 kun oo neef ka iibsada caalamka, waxaana 5 kun oo kamid ah uu ka iibsadaa dalka Soomaaliya.
Wasaarada xanaanada xoolaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka warqabaan dhaqaatiirta ka imaanaya Sacuudiga, maadaama lagu soo wargeliyay.
Bishii ugu dambeysay sanadkii lasoo dhaafay ayaa dowladda Sacuudiga waxay joojisay xoolihii ay ka iibsan jirtay Soomaaliya xanuuni laga sheegay awgeed, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in baaritaan kadib la ogaaday inay caafimaad qabaan xoolaha Soomaaliyeed.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS