Riyad–Sucuudiga iyo kooxda uu maalgaliyo ee argagixisada Daacish ama ISIL ayaa xasuuq ku bilaabey dadka Shiicada ee degan bariga Sucuudiga iyadoo maanta bilaabay siyaasad uu midi sheeganayo xasuuqa masaajida halka ka kalana oranayo anaa baadhi doona. Sucuudiga iyo kooxda uu samaystay ee Daacish ama ISLI ayaa dagaal kula jira Shiicada ay gaaleeyeen ee wadamada Ciraaq, Siiriya iyo Lubnaan.
Salafiga Sucuudiga oo isticmaalaya lacag ayaa wadamo fiqiira u habarwacday isagoo ka dhaadhicinaya Shiicaa soo weeraraysa Maka iyo Madiina.
Maanta ayay ahayd markii masjid la buuxo oo ku yaala bariga Sucuudiga ay qarxiyeen Sucuudiyiin lagu sheegay in ay yihiin ISIL laakiin la ogyahay in ay ka dambeeyaan isla kuwa xukunka haysta.
Waxa la is waydiinaya fitnada uu wado Salafiyiinta kibirsan halka ay gaarsiin doonto waxase hubaala in Riyaad loogu tagi doono haday joojin waayaan fitnada ay dhex wadaan Muslimiinta.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM