X

Sucuudiga oo gacanweyn siiya kooxda Daacish oo ka xumaaday guuldaro ay ku rideen Kurdiyiinta

Riyad–Dawlada Sucuudiga oo ay wada wadaagaan kooxda argagixisada Daacish ama ISIL mabda diimeedka Salafi ayaa ka xumaatay guuldaro soo gaartey kooxda Daacish oo ay u gaysteen geesiyiinta Kurdiyiinta oo iyaga laftoodu Sunni ah laakiin diidan mabda xun ee ay wataan kooxda Dacish Sucuudiguna ku taageero.

Kurdiyiinta ayaa guul ka soo hooyay dagaal ay ku qaadeen magaalada Tal abad oo ku jirtey gumeysiga kooxda Daacish.

Turkiga oo isaga qudhiisu dagaal kula jira Kurdiyiinta ayaa walaac ka muujiyay guusha Kurdiyiinta oo ay caawiyeen diyaaradaha Maraykanka.

Turkiga ayaa sheegay in Kurdiyiintu dileen dadka Turkimanka loo yaqaan oo ah Turki degfan Woqooyiga Siiriya.

Siiriya oo ah dal qani ah oo taariikh Islaameed oo dihan waxa burburiyay Sucuudiga iyo Qadar oo taageerayt argagixiso tan ugu xun aduunka waayo waa isku urur diimeedka Salafi.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.