Sucuudiga ayaa ka gariirey qaraar ay gaareen xildhibaanada Maraykanka oo ku joojinayaan taageerada hubka ee Maraykanku siiyo, hubkaas oo gacanku dhiigle Salmaan ku xasuuqdy kumanaan reer Yamana oo hadda ku nool nolol adag.
Xildhibaanada aqalka sare ee qaraarkan isku raacay ayaa ahaa labada xisbi ee dalkaasi ayagoo aad uga xumaadey in Trump caleemo qayan u daadiyay gacanku dhiigle Salmaan oo suxufi Jamaal Khashowqi ku diley Turkiga.
Waxayna dareemeen in talaabadaasi ka soo horjeeda arimaha Maraykanku ku andacoodo had iyo jeer inuu hogaamiye ka yahay sida xuquuqda dadka iyo dilalka siyaasadeysan laakiin lagu ogyahay inay yihiin laba wejiilayaal.
Sucuudiga ayaa sheegay inay diideen qaraarka ka soo baxay xildhibaanada. Sucuudiga ayaa ku nool taageerada Yuhuuda iyo Maraykanka asagoo hubka ugu badan ka iibsada Maraykanka, Yuhuuda iyo Ingiriiska.
Trump ayaa sheegay in dalkiisu u baahan yahay Sucuudiga oo uu adeegsado la dagaalanka Iiraan, dhinaca kalana uu Sucuudigu balaayiin doolar ku maalgeliyo dalkiisa, haddii kale lacagtaasi tegi doonto Ruushka iyo Shiinaha.
Qaraarka xildhibaanada ayaa u baahan inay dhaafiyaan xildhibaanada aqalka hoose oo xisbiga dimoqraadigu aqlabiyad ku leeyihiin bisha dambe. Waxase la ogaan doona sida Trump yeelo.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS