X

Sucuudiga oo si toosa ula safan Yuhuuda iyo Iiraan oo ay weerar afka ah ku qaadeen

Riyad–Sucuudiga ayaa si toosa ula safan Yuhuuda halka uu ku tilmaamay Iiraan inay tahay mid gobolka qasaysa xilli Sucuudigu qas weyn ku hayo dalka Siiriya oo hadda argagixiso burburisay. Sirdoonkii hore ee Sucuudiga ayaa ka cawday sida dawladaha Maraykanka iyo reer galbeedku wadahadal ula wadaan Iiraan.

Sucuudiga ayaa Yuhuuda toos ula jira waxayna siin doonaan hawadooda haddii Yuhuudu weerarto Iiraan inkastoo taasi Maraykanku diiday sheegayna in ayna waxaba soo kordhinayn.

Turki al Faysal ayaa sheegay in haddii Iiraan loo ogolaado in ay sifaysato macdanta yuuraaniyamta in Sucuudigu yeeli doono sidoo kale.

Sucuudiga ayaa Koofurta Kuuriya, Faransiiska, iyo Argentina la galay heshiis lagu abuurayo ilaa 20 awooda nukliyeerka ee dhalisa korontada.

Wuxuu ku eedeyay Iiraan inay qabsaday dhul ka mida Ciraaq qaasatan inta Sunigu dego. Sucuudiga ayaa maalgeliya koxda argagixisada ee Daacish.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.