X

Sucuudiga oo ugu dambeyn qirtey inay dileen suxufi Jamaal Kashooqi

Sucuudiga ayaa ugu dambeyn qirtey inay dileen suxufi Jamaal Kashooqi. War lagu qoslo oo ay saxaafada siiyeen ayay ku sheegeen inuu u dhintey dagaal ka dhex dhacay qunsuliyada.


Trump oo saaxiib weyn la ah qoyska Sacuud ayaa isna ku raacay sheegayna in danta Maraykanka ka weyntahay uuna raacsan yahay sheekada ay la yimaadeen Sucuudigu.

Jamaal Kashooqi ayaa isla markiiba lagu xasuuqey qunsuliyada dhexdeeda, makii la waydiiyay gacan ku dhiigle Maxamed Salmaan ayuu sheegay inuu qunsuliyada ka baxay hal miridh ama saacad kadib.

Beenta cad ee gacanku dhiigle Maxamed Salmaan wax la aqabali karo maaha waana mid lagu qoslo ayuu yiri xildhibaan Maraykanka.


Waxa marhore la ogaa munaafaqada reer Galbeedka oo markiiba aqbalay sheekada beenta ee Sucuudiga oo balaayiin doolar ku bixiyay inuu aamusiiyo saaxiibada galbeedka.

Waxa dadku hadda is waydiinayaan imisa ayuu siiyay Erduqaan si isagana loo aamusiiyo. Waxana dadku ka war sugayaan ficilka uu qaato Erduqaan oo wahaabiyadu rabto inay kaga takhalusaan.

Gacanku dhiigle Maxamed Salmaan ma sheegin halka uu geeyay meydka Jamaal Kashooqi, waxase kaliya uu sheegay in loo dhiibey Turki, taasna waa laga sugayaa inuu sheego.


Gacan ku dhiigle Maxamed Salmaan ayaa eryay nin madow ah oo afhayeen uga ahaa dagaalka iyo xasuuqa uu ka wado Yaman oo lagu magacaabo jeneral Asiri.

Qirashada xasuuqa Jamaal ayaa timi ayagoo kala hadley wasiirka arimaha dibeda Maraykanka Pompoo oo isagu ka caawiyay diyaarinta warbixin ay ku qanci karaan reer galbeedka, oo dabooleysa gacanku dhiigle Salmaan, waxayna la yimaadeen sheekadan lagu qoslo 17 cisho oo ay been aduunka ku dhuraayeen ayuu yiri xildhibaan Maraykanka.

Gacanku dhiigle Maxamed Salmaan wuxuu na leeyahay raggan aya yimi qunsuliyada kadib waala murmey halkiibaana lagu diley, ma idinla tahay oday 60 jira ayaa dagaal ku bilaabi dhalinyar 10 qof oo ku wareegsan. Salmanow wax lagaa qoro la kaalay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.