X

Sucuudiga oo xaramka ka madnuucay sawirada iyo muuqaalada la qaado iyo sababta

Sucuudiga ayaa xaramka iyo masjidka rasuulkeena CSW ee Madiina ka madnuucay sawirada iyo muuqaalada la qaado. Waxa sidaas sheegtay wasaarada arimaha dibedda.

Wasaarada ayaa sheegtay in go’aankaas ay qaateen bishan horaanteedii. Waxa madnuucida ku jirta waxkasta oo lagu qaado muuqaal iyo sawir iyo waliba wakiilada saxaafada.



Madnuucida ayaa waxa ku jirta inta ku wareegsan masjidka rasuulkeena CSW. Sucuudiga ayaa sheegay inay talaabadan qaadeen ayadoo la tixgelinayo xujaajta, taas oo dadka badankiisu u arkeen inayna macquul ahayn.



Waxay ku hanjabeen in cidii madnuucida jabisa lagala wareegi doono aalada ay u isticmaaleen. Sucuudiga ayaa lagu yaqaanaa xagjirnimo saaida inkastoo hogamiyaha da’da yar sheegay inuu soo celin doona diinta saxda ah.

Dhawaan ayay ahayd markii nin YUHUUDI ah uu ku faafiyay baraha bulshada asaga oo jooga dhulka barakaysan qaasatan masjidka rasuulka CSW.

Dadka aan Muslimka ahayn ayaan loo ogoleyn inay ka soo ag wareegeen dhulka barakaysan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.