X

Suldaan caan ahaa oo Kismaayo lagu diley iyo musharax ka digey dagaal sokeeye

?????????????????????????????????????????????????????????

Allaha u naxariistee waxaa Kismayo ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Suldaan Cabdirashiid Muuse (Suldaan Dure) oo ka mid ahaa Madaxda Dhaqanka ee gobolka Jubbada Hoose.

Suldaanka ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay Rasaas uu qof hubeysan ku furay xilli uu ka soo baxay salaadii Maqrib ee caawa, Waxaana aan Suurto gelin Dadaalo lagu doonayay in lagu badbaadiyo suldaanka, Isagoo geeriyooday xilli qaliin lagu sameeyay.


Dilka suldaanka ayaa imaanaysa xilli muran xoogan ka taagan yahay doorashada maadaama ayna jirin guddi dhexdhexaada iyo maqnaanshaha wasaarada arimaha gudaha.

Suldaanka Caawa lagu dilay magaalada Kismaayo ayaa kamid ahaa Madaxda dhaqanka ee ka soo horjeeday qaabka loo xulayo xildhibaanada baarlamaanka Jubba ee Axmed Madoobe diyaarsaday.


Qaar kamid ah musharaxiinta maamulka Jubba ayaa ka cabsi ka qaba in dagaallo sokeeye ay ka bilaawdaaan magaalada. Musharaxiinta qaarkood ayaa ku dhiiran waayay in ay tagaan Kismaayo, halka qaar kalane sheegeen in ay dareemayan cabsi gelin iyo hanjabaad joogto ah oo uga imaanaya Axmed Madoobe.


Sheekh Daahir oo ka tirsan Musharaxiinta Jubba ayaa sheegay in Kismaayo ay lugaha la sii galayso dagaalo Sokeeye maadaama aysan jirin doorasho xor ah oo degaankaas ka socoto.

“Haddii aysan wax iska badalin aragtida Axmed Madoobe iyo sida ay wax ku socdaan waxaa xaqiiqo in dagaalo Sokeeye ay marti gelin doonto Kismaayo” Ayuu yidhi.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.