X

Suldaan Ibrahim Samatar oo ka qayliyay Muuse Biixi oo xilal ka magacaabay Gabiley

Suldaan Ibrahim Samatar oo ka tirsan suldaanada gobolka Gabiley ayaa ka qayliyay saaxiibkii Muuse Biixi oo xilal ka magacaabay Gabiley isla markaasna sheegay in aan Samaroonka Galbiley qofna lagaga soo darin.

Suldaanka ayaa inadeerkii Prof Axmed Samatar ku biirey xisbiga Muuse Biixi wuxuuna ka mid yahay kuwa ku qalqaaliyay in uu ka mid noqdo tanina waxay tilmaamaysaa in Muuse Biixi aanu ka fogaanin qabyaaladii lagu yaqaaney.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.