X

Suldaan Wabar baa fashilmey maaha in Ugaaska lagu cambaareeyo waa in raaligelin laga bixiyaa: Deeq Yuusuf

Waxaan halkan caawa rabaa inaan akhristayaasha la wadaago maqaalo iyo sawir gacmeedyo ku soo baxay shabakada Harowanews maalmihii la soo dhaafay kuwaas oo ka hadlaayey Suldaan Wabar oo Kaaryoone lagu siday oo jar ka sii dhacaya iyo cida riixaysa oo la leeyahay waa dadkii ka dambeeyey in uu guuldaraysto.

Ugu horeyn aan wax yar ka iftiimiyo sawirkaasi oo ah sawir siyaasadeed waxa uu muujinayaa in uu guuldaraystey Suldaan Wabar dadka sawiryena kama aanay fikirin sumcad xumada uu soo jiidaayo iyo dhaawaca siyaasadeed ee uu u gaysanayaayo Suldaan Waber.

Ururada sawirka ka muuqday iyo guud ahaan dadka lagu tuhunsan yahay  inay ka dambeeyeen guuldarada la sheegayo inay ku dhacday  arimaha kacdoonka.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa nijaarka xumi waxa uu ka cawdaa dubahiisa ,waxaa la ogyahay sida ay wax u bilowdeen iyo halka ay maanta wax marayaan oo ah dadkii hawsha bilaabay oo ka cabanaaya dad aan hawl loo diran iyo dadkii uu Suldaanka laftiisu uu yidhi waa baabaeen cida damacda ARAA inay baabiisana waxaan saari doonaa maxkamad cid ku dhacdaana ma jirto oo wax yeeli karta ururka uu Suldaanku ku dhawaaqay sanadka aan ku jirno bilowgiisii.

 Haddii aan ururadan urur urur u dul istaagno tuhumada lagu eedaynaayo sida ay ku kale horeeyaan :-

 UGAASKA GUUD

 Ugaaska guud ee beelaha  GADABUURSI  Ugaas cabdirashiid ugaas rooble ugaas doodi  ayaa waxa lagu daray sawir gacmeedka waxaana wax laga xishoodo ah in eedo aanu lahayn dusha laga saaro Ugaas Abdirashid iyada oo la ogyahay cida eeda leh lagana warwareegaayo ama lagula galgalanaayo cid aan dambi ku lahayn hawsha, Ugaaskuna meel uu ka soo galo arintaasi ma jirto.

Suldaanka ayaa is Bokhrey oo yidhi gobolada galbeedka ayaan xoraynayaa maxaa keenay maanta in dadka ceebta la marmariyo oo halkii ay lahayn oo aan isla wada garanayno looga leexinayaa? waxaan odhan lahaa waa in raali galin laga bixiyo sawirkaasi Ugaaskana si toosa looga raali galiyaaa .

 AWDALSTATE

 Awdalstate waa urur matala siyaasad ahaan umada Galbeedka  waana urur muddo badan halganka ku soo jiray maantana ku jira sidii Shacabku ay maamulkooda gacanta loo soo galin lahaa si looga maarmo in mindida daabkeeda ay qabtaan dad aan danaha umadeena u danaynayn

 OO sida ay Hargaysi u diiday in laga daaro nalkeeda Mogadisho ayay Boramana u diiday in Hargaysa laga daaro beesha dhexena way ogtahay taasi ,sidaas darteed Suldaanku markii uu baxay waxa uu dhahay Awdalstate way baabaaday wax jirtana maaha,

Waxaase cajaaib ah urur uu yidhi Suldaanku waa baabaay in uu maanta ka cawdo maaha oo uu yidhaahdo shirqool ayay ii sameeyeen taasina cida wada kacdoonka ayay nusqaan ku tahay.

Awdalstate waxay ula diyaar ahayd maal maskax iyo muruqba laakiin waxaa diiday Suldaanka dadkii ku xeersanaa ayaa yidhi cid uma baahni anagaa ku filan dadka Awdal xoreyntooda!!!, maanta in la eedeeyo maaha cid aan eed lahayn “Somalidu waxay ku maahmaahdaa habar dhaliwayday Aleelo kuwaalatey”.

 URURKA APC

Ururkani waxa uu ahaa urur laga aasaasay qurbaha sobobta ugu waynina waxay ahayd in uu taageero siiyo Suldaanka iyo Kacdoonka waxayna ahaayeen cida kaliya ee si toosa ula shaqayn jirtay Suldaanka iyo halgankaba waxayna ka qaateen kaalin buuxda oo dad badani ay is leeyahyiin waxba kamayna  hagran sidii looga midho dhalin lahaa  Kacdoonka.

Wali lama arkin meel uu Suldaanku ku yidhi waan guuldaraystey cida waxan wadaa waa cid og xogta meesha taala iyo ujeeda Suldaanka oo doonaaya in uu la xaajoogo maamulka Hargaysa, sidaas daraadeed waa in loo sameeyo cudurdaar iyo mar marsiiyo  uu Hargaysa ku tago taasi oo ay tolkii u kale badinayaan inay iibiyaan,magac iyo mansabna ay kaga raadsadaaan maaamlka dulmiga ah ee Hargaysa.

Sargaal u hadlay ururkan ayaa waxa uu sheegay in ay wada hadalo u socdaan Suldaanka iyo jufadiisa  una kale dabqaadaya Hargaysa iyo Suldaanka. sheegayna cid uu fasax uga haysto la kulanka dadkaasina aanay jirin taasi oo dhaawac ku ah taageerayaashii Kacdooka .

 Ma jirto sobob loo dhaleeceeyo dhamaan dadkii hadafka rumaysnaa ee waayey meel ay u maraan cidii dusha saaratey ayaa la waydiin haddii ay wax ka xumaadaaan.

 Mida kale waxaan arkayey qoraalo loogu magacdaray yaa shirqoolay Suldaanka beelaha Jibriil Yoonis oo sawiro badan lays kugu keenay oo ay ka mid ayaayeen Ugaaska, Salaadiin, Siyaasiyiin dadka soo jeeda beesha dhexe oo la leeyahay waxay shirqooleen suldaanka dadkaasi waxaan u kale saaraynaa saddex qaybood:

  1. A) Maamulka Hargaysa iyo dadka ay Xukumaan ee ku hoos nool ha ahaado Siyaasi ama Suldaan,

Halgan ayaan u baxayaa waxaanan ka canayaaa Ramaax oo aan leeyahay shirqool ayuu igu sameeyey taasi macnaheedu waa maxay  akhriste ? Halganku macnihiisu maha hadii uu walaalkaaa kaa horyimaado inaad tidhaahdo  walaalkay ayaa iga hor yimid,mar haddii reer kayagii iga hor yimaadeen waa is dhiibayaa oo waan ka tanaasulayaa  Kacdoonkii,

Waa inaad ogaato carqaladaha kaa hor imaan kara oo aad adkaysigeeda yeelato samirkeedana la timaado si kasta oo ay xaaladu kuugu adkaato.

Maamulka Hargaysa iyo siyaasiyiinta la joogtaa waa cida loo soo adeegsanaayo sidii loo baabiin lahaa Kacdoonka salaadiin iyo siyaasiba waxay u tahay fursad ay ku gilgishaan maamulka Hargaysa oo ay kaga daadsanayaan waxay ka heli karaan dhaqaalo iyo maalin dagaalba

 Sidaas daraadeed maaha inaan taageero laga fisho ama ay taageeraan Kacdoonka cida ka cabanaysaana  waa qolo aanay ismaqlayn dhagahooda iyo afkoodu ,Ramaax ayaa shirqoolay Suldaan wabar  ceeb ayay ku tahay Kacdoonka iyo taageerayaashaba …. Ramaax iyo inta la socotaa waa cadowga ummada iyo Kacdoonkaba waxayna rabaan in ay ummada dhiiga ka sii jaqaan cid xaq ka hadlaysana  ma jecla inay maqlaan.

  1. B) Dad Taageersan Hadafka Suldaanka,

Waxaa jira dad badan oo taageersanaa Kacdoonka oo rabay inay ka midho dhaliyaan diyaarna u ahaa wax kasta iyo xaalad kasta xataa naftooda inay u bixiyaan oo laga hor joogsaday inay ka qayb noqdaan arkayeyna inay waxayni meel gaarayn waayo jilib ma xorayn karo ummada dhan,

Gacmo wada jir ayay wax ku gooyaan hadii la waayo wada shaqayn iyo in ummada laga qayb galiyo waxa socda waxay noqon laynd wax la arkaayo  halgan sida uu maanta yahayna ma ahaadeen ee waxa uu noqon  lahaa mid midha dhala  waxwada qabsiga umada reer Awdal waa soo bixi lahayd.

 Kacdoonku waxa uu ahaa wax loo baahnaa oo xurayn lahaa umada waa haddii la garan lahaa ahmiyadiisa  waxa uuse gacanta u galay koox yar oo khibrad siyaasadeedna aan lahayn  , Suldaankuna ma uu muujin kaalintiisa hogaamineed  oo uu ku hanan lahaa cid kasta oo diyaar u ah Kacdoonka.

 1-C) Ugaaska oo madax u ah Muxaafid iyo Mucaaridba meel uu joogaba,

Sidaan kor ku xusay Ugaaska waa in raali galin laga siiyaa qoraalada iyo sawir gacmeedkaba  haddii tii oo aanay waxba dhicin calaacalka iyo qayladu ay isku baxayso marka hore may ahayn in laga hadlo kacdoon iyo xorayn sidaas darteed  Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi  raali galin buuxda ayuu u baahan yahay in laga bixiyo

Aniguna waxaan ka raali galinayaa arintaasi ,wax dhibaato ahi kuma jirta ururada kale cidii xagxaganaysa laakiin Ugaasku waa lama taabtaan  cidii waxaasi ku kacdayna way qaldan tahay waana inay joojiso.

 Guntii iyo gabo gabadii  sawirada lagu kulmiyey meesha waa haldoorkeenii ,Salaadiinteenii iyo Siyaasiyiinteenii waxaana la rabaa inaan soo jiidano oo aan ku qancino hadafkeena iyo waxa aan rabno ee wanaag ah,

Maalin maalma ka mid ah ayaa la arki doonaa iyagoo halganka hormuud ka ah, Suldaan Waberba shalay ayay ahayd markii uu sacabka u tumaayey Somaliland .

Awdalstate dad ayay ka socon wayday walina waa socotaa  waxayna ka mid tahay sunada halganka cid kaa hor tomaada,cid ku cayda,cid kula dagaalanta xataa walaalkaa kula dhashay  ayaa lagugu soo hubaynayaaa waana wax caadi ah  mana odhan kartid ma xuu walaalkay iiga hor yimid.

Ramaax oo maamulka Hargaysa basaas u ah ayaa i shirqoolay  maanta ma taagna ee waan ognahay meesha ay wax ka qaloocsameed in la toosiyana waa la diiday eeduna waxay dusha ka saaran tahay cidii kacdoonka isku koobtey ee Awdalstate oo shaqaynaysa tidhi Suldaan magac cusub iyo calan cusub samayso kaas ayaan kugu taageeraynayaaaye  dadkaasi eeda ha la saaro

Waxayna ahayd wax la sii ogaa in ay sidani dhacayso ,laakiin ma aha dhamaadkii halganka waa soconayaa cidii ooyasaana ha iskaga hadho dariiqa dheer ee xoriyada loo maraayo ,xoriyadu maaha wax hadiyad laysku siiyo,waxay u baahan tahay naf iyo maalba in la waayo, dadka waxaa sameeyeyna waxaan leeyahay falaadhi  gilgilasho kaagamo go’odo nin iin leh oo la wada og yahay waxa uu falay maaha in uu had hadlo waa in uu is qariyo,”Somalidu waxay tidhaahdaa waa lay caayey ceeb baa kaa raacda”.

Wabillahi tawfiq

Activist Deeq Yusuf

admin:

This website uses cookies.