X

Suldaan Wabar oo markii ugu horeysay dib uga soo muuqday goobaha kacdoonka ee gobolada Awdal

Hogaamiyaha kacdoonka gobolada Awdal ayaa dib uga soo muuqday goobaha kacdoonka muddo kadib markii rag isaga ka mid ahaa ay dib uga soo noqdeen una soo noqdeen Boorama. Kacdoonka gobolada Awdal ayaa sidoodii u jooga goobihii ay ku sugnaayeen iyadoo intii Borama timi ay ahayd dad Borama iska joogey oo rabey in ay ka faaiideystaan kacdoonka.

Dadkaasi Boorama lagu soo dhaweeyay ayaan ilaa hadda la siin wixii loo balan qaadey sida aan wararka ku helayno.

Suldaan Wabar ayaa isagu joogey caasimada Itoobiya intii ay dib u noqdeen qaar ka tirsanaa ciidanka AARA waana ku gacansaydhey in uu isa soo dhiibo sida aan wararka ku helayno.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.