X

Suudaan oo sheegtay inay safiirkeedii Itoobiya u yeeratay

Waxa baryahanba sii xumaanay xiriirka Itoobiya iyo Suudaan. Haddaba Suudaan oo ka faaiideysanaysa xaalada dagaal ee dalka Itoobiya ayaa askar badan soo dhoobtey xadka halka Tigreegu dalbadey in loo furo xuduudkaas.


”Suudaan ayaa dalbatey inay dhexdhexaadiso Tigreega ay reer galbeedku wataan iyo dawlada Itoobiya, waxase diidey dawlada Itoobiya oo tiri in marka hore waxa loo baahan yahay in arimo badan la isla eego ayuu yiri Xuseen Warsame.


Macquul maaha dal aan biyo isku hayno iyo dhul inuu hadana yiraa aan idin dhexdhexaadino ayuu yiri afhayeen u hadlay Itoobiya way iska cadahay in jawaabtu tahay maya laakiin safiir dib u qaadasho waxay ka dhigeysaa arinta mid dano gaara laga leeyahay.

Itoobiya waa saxan tahay inay diido dhexdhexaadin Tigree loo sameeyo waayo waa argagixiso ka gaystey dalka xasuuqyo iyo dibediisaba ilaa hadda socda gudaha Itoobiya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.