X

Suuq madow miyaa ka jira Hargeysa oo lagu iibiyo caruurta: WARBIXIN

Suuq madow miyaa ka Jira Hargeysa oo lagu iibiyo caruurta. Waa dhacdo ugub ah oo aan gayiga Soomaaliyeed inta badan lagu aqooni jirin laakiin loo sababayn karo burburka dalka.

Maxkamad ku taal magaalada Hargeysa ayaa xukuntey rag lagu helay inay caruurta ka ganacsan jireen. Waxaa la sheegay in qof ka mid ah dadka la xukumay uu ilmo ka kaxaystay magaalada Hargeysa, ilmaha waxaa dhalay reer ay qaraabo ahaayeen qofkan, wuxuuna geeyay tuulada Abaarso, kadibna waxaa la qabtay iyaga oo ilmaha yar dalka dibedda uga dhoofinaya.



Hooyada dhashay ilmahan yar ee la xaday ayaa iyadu lafteeda ku baraarugsan suurtogalnimada in ilmaha dalka dibediisa loo dhoofiyo, waxayna muddo bil ah ka raadinaysay meelaha dadka laga tahriibiyo sida Boosaaso oo kale.



“Garowe ayaan maray, Boosaaso ayaan tagay, 18 cisho ayaan meel buuro ah ku sugnaa oo aan wiilka ka raadinayay meelaha dadka laga tahriibiyo” ayay tiri

Maxkamada Hargeysa ayaa xukuntey nin iyo naag lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan iyo Khadra Cabdullaahi Maxamed oo iyagu hawlahan lagu qabtey waxayna qabadsiisey xukuno kala duwan.

Hooyada dhashay ilmaha ayaanan ku qanacsanayn xukunka, waxayna sheegtay in aysan suurtogal ahayn in 2 sano iyo 6 bilood oo kaliya lagu xukumo dad ay sheegtay in ay doonayeen in ay ka ganacsadaan xubnaha jirka wiilkeeda.



Ilaa hadda ma jirto tiro koob lagu hayo caruurta la waayay ee waalidkood ka maqan ee loo malaynayo inay meelo kale ku maqan. Waxa burburka dalka looga faaiideystay siyaabo kala duwan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.