Waxa suuqa cusub ee magaalada Jigjiga ee loo yaqaan Taywaan ku dhintey hal qof halka dadkalana uu ka soo gaaray dhaawacyo fudud. Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay hal dukaan kadibna ku faafay suuqa intiisa kale.
Suuqan oo dadku is dhexyaalaan ayaan loo samayn nidaam dadka iyo dabku ku kala nabad galaan, ayadoo muddo ay ku qaadatey in dabdemisku yimaad bakhtiiyana.
Waxa goobta wax ku waayay dad danyar u badan. ”Waxa eeda iska maamulka magaalada oo aan haba yaraatee wax masuuliyada isku saarin habaynta suuqyada magaalada ayuu yiri Mowliid Xasan oo ka ag-dhawaa halka dabku ka qarxay.
Maaha markii ugu horeysay ee uu dab ka kacay suuqyada Jigjiga markasta waxa dadku maqlaan in wax laga qabanayo laakiin habacsanaan awgeed ayaa halkaa dhigtey ayuu raaciyay Xuseen Warsame.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS