X

Suuqyada Hargeysa oo markii ugu horeysay laga diidey shilinka Somaliland

Suuqyada Hargeysa oo markii ugu horeysay diidey shilinka Somaliland oo si aada looga isticmaali jirey hadase dadka iyo ganacsatadu ay ku khasaareen sida uu sheegay ganacsade lacagtiisu talo banaanka.

Meherada waweyn iyo huteelada qaar ayaa gebi ahaanba joojiyay isticmaalka ayadoo ayna jirin meel ay dhigaan lacagta shilinka Somaliland oo lagu soo sameeyo Hindiya laguna bedeshi doolarka xalaasha ah.

Dhinaca kale ganacsatada ayaa sheegay in ay waayeen doolarkii ay ku bedelan jireen lacagtan Shilinka Somaliland taasina ay sii dabargoysay lacagta ay haystaan kuna haystaan kaariyoonaha.



Waxa maalin walba kor usii kacaya sarrifka lacagta qalaad ee Dollarka taas oo gaadhay heerkii waligeed ugu saraysay ,waxaana 100$ (Boqolka Dollar) uu maraya saaka 982 Kun oo Shilling Somaliland,

Waxaana taasi ay sababtay in dadkii danyarta ahaa ay Meesha ka baxaan islamarkaana ay tahli kari waayaan inay wax ku iibsadaan lacagta Shililing Somaliland taas oo aanay jirin wax ay u goynaysaa.

Maamulka Siilaanyo ku magacaaban yahay ayaan waxba ka qaban dhibka danyarta ku dhacaysa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.