Yurub aya waxa ku qaxay qoxooti aad u farabadan oo intooba badan ka yimaadeen Siiriya, Afganistaan, iyo Kurdiyiinta Iyagoo ka ordaya argagixisada Daacish iyo wadamadaas oo burburiyay ayaa hadaba Sweden waxay ku dartey Somalida.
Waxaa soo baxaya cabsi ku aadan in Laanta Socdaalka ay si qaldan u fasiratay dhalashada qaxootiga qaarkood, oo laga yaabo in shaqsiyaad la geeyo wadamo aysan u dhalan.
Arintaan ayaa qaasatan cabsi ku ah Soomaalida, maadaama ay sanadkii 2014 soo baxday in qaar badan oo ka mid ah dadkii loo diiday sharciga markii baaritaan lagu sameeyay lah-jadooda si qaldan loo baaray.
Arintaasi ayaa ka dambeysay markii Somali badan oo ku dhalatey dalalka Kiiniya, Yugandha, iyo Afrikada Bari ay iska dhiibaan dalalkaasi, ainta ayaa sii balaaratey markii nin Somali ah loo dhiiibey arintooda kadibna lagu yiri naga fiiri luqadooda.
Taasi ayaa keentay in ninkaasi uu dad Soomaali ah ku sheegay in ay ka yimaadeen Kiiniya, Tanzania, iyo xitaa Rwanda.
Laanta Socdaalka Sweden ayaa xitaa isku dayday in ay gabadh Soomaali ah ku celiyaan Tanzania, iyadoo markii wadankaasi la geeyay ay diiday dowlada wadankaasi in ay qaabilaan. Inkastoo markii dambe ay hay’ada socdaalku heshiiskii kala noqotay shirkadii uu u shaqaynayay ninka beenaalaha ah ayaysan haddana wax ka badalin inta badan go’aamiddii uu gaaray.
Hadaba hadda oo booliska lagu amray in ay 80.000 qof wadanka ka musaafuriyaan, oo bishaan June, dad badan laga goostay lacagtii gunada isla markaana laga ceyriyay guryihii ay deganayeen, ayay soo baxaysaa cabsida ah in dadkaasi oo qaarkood hadda xabsiyada ku jira in lagu celiyo wadamo aysan u dhalan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS