Waxay ahayd usbuucii hore markii nin qoxooti ah oo u dhashay dalkaasi Eriteriya u xasuuq ka gaystay tukaanka caanka ah ee IKEA ee dalkaasi leeyahay halkaasoo ninkaasi ku diley haweenay iyo wiilkeeda isagoo isticmaalaya midi. Ninkan ayaa waxa u siocotey codsigiisa qoxootuinimo inkastoo la sheegayo in loo diidey qoxootinimada uuna ku jirey xero.
Xerada uu kuu jirey ayaa booliisku ilaalo dheeraada ka qabteen iyagoo ka baqaya in kooxaha cunsuriinta ay weeraraan qoxootiga kale ee ku jira xerada.
Ninkan oo 35 jir ah ayaa lagu arkey isagoo midida ka soo qaatay qaybta kushiinka ee tukaanka kadib gaysanaya dilka waxayna ku adkeysteen in falkani aanu ahayn mid siyaasada la xiriira. Ninkan ayaa isna midida is galiyay wuxuuna ku jiraa xaalad adag.
Ninkan Eriteyanka ayaa markiisii hore ka yimi Talyaaniga oo loo malaynayo in uu doon ku soo galay. Talyaaniga ayaan faraha ka dhigin dadka doonta ku soo gala intooda badan taas oo keenta in ay u gudbaan yurubta taajirka ah.
Rashid Ceelanyo
ARAABINEWS.COM