Booliiska dalkaasi Sweden aya shaaca ka qaaday in ninkii weeraray dugsiga ay ku badnaayeen ajaanibta in uu ahaa nin buka oo ah cunsuri waynaaday. Raiisal wasaaraha dalkaasi ayaa cambaareeyay weerarkaasi sheegayna in dalku galay tiiraanyo..wuxuuna cadeeyay in dugsiyadu ay yihiin meelaha lagu nabadgalo, laguna abuuro caruur tayaysan,,wuxuuna balanqaaday in sharciga la horkeeni doono ninkaasi oo hadda lagu ilaalinayo gurigiisa.
Booliiska ayaa sheegay in ninkan laga helay gurigiisa alaabo la xiriira xagjirnimada oo uu aad u necebyahay ajaanibta soo galaysa wadankiisa.
Ninkan ayaa la sheegay markuu dugsiga tagey in uu kala soocay dadka isla markaana uu toos u weeraray dadka jirkoodu madow xigo iyo kuwa midabkoodu aan cadaan ahayn.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM