Swizerland ayaa ku dhawaaqdey in ay rabto in ay dhex dhexaadiso Kuuriyada Woqooyi iyo Maraykanka xilli la saadaaliniyo in Kuuriyada Woqooyi diyaarinayso in ay tijaabiso gantaal kaga cabaadiya Maraykanka.
Shalay ayay ahayd markii Kuuriyada Woqooyi tijaabisey hubkii ugu cuslaa ee abid ay tijaabiso ayadoo la sheegayo in marinada hoose ee dhulka hoostiisa ay dibeda u soo baxeen qaraxa xoogiisa. Maraykanka ayaa ka naxay arintan.
Madaxweynaha Swizerland haweenayda lagu magacaabo Doris Leuthard oo la hadlaysay saxaafada ayaa sheegtay in dalkeedu diyaar u yahay in ay dejiso xaalada ayadoo uga digtey Maraykanka in uu buunbuuniyo sida wax u jiraan.
Swizerland ayaa matasha danaha Maraykanka wadamada ay colka yihiin sida Iiraan iyo Kuuba. Doris Leuthard ayaa sheegtay in gantaalaha iyo hubka kale ee khatarta ah ee Kuuriyada Woqooyi tijaabinayso loo fasiran karo in ay tahay casuumad wadahadal.
Talaabada Swizerland ayaa hawsha u fududeynaysa Maraykanka oo aan waxba ka qaadi Karin Kuuriyada Woqooyi hadduu qaadana uuna ka fakan doonin burbur soo gaara oo ay u fududahay in wadahal wax ku dayo ka fog hanjabaad iyo hubka ha dhigo.
Doris Leuthard ayaa shaaca ka qaaday in waxkasta ku xiran yihiin sida Maraykanku u dhaqmo ayadoo ay diyaar yihiin Swizerland iyo Sweden inay hawsha galaan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS