X

Taariikh nololeedka Allaha u naxariistee fanaanadii weyneed ee Khadiija Dalays

Taariikh nololeedka fanaanadii weyneed ee Khadiija Dalays oo saaka xilliga Kanada ku geeriyootey isbitaal ku yaala dalkaasi.

Magaceedu waa Khadiijo Cabdullahi Daleys, waxay ku dhalatay magaalada Baydhabo sanadkii 1934-kii ,waxayna kusoo barbaartay Isla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaas oo ay ku sugnayd ilaa ay noqoto gabadh gashaanti guur gal ah.

Sido kale waxay waxbarashada hoose dhexe ku qaadatay isla gobolka Bay,waxaa laga sheegaa Dalays inay sameeyn jirtay heeso iyo ciyaaro marka la joogo xilliyada Fasaxa, islamarkaana waxay ahayd Inan Ilahay ku manaystay hibo iyo hal abuur aan horey loogu arag hablaha Aynigeeda ah.



Khadiijo ayaa ahayd howl kar hibo Ilahay ku hagoogay, taas oo ugu dambeyn keentay inay noqoto gabadhii ugu horeysay ee inta masrax soo istaagto ka heesta Koonfurta Soomaliya.

 Iyadoona sameeysay diiwaankaas 14-kii November sanadkii 1953-kii, balse waxaa ka caawiyay inay noqoto fanaanad caan ah gabadha caanka ah ee Xaliimo C/raxmaan oo iyana caan ku ahayd dhanka saarka.



Gaduudo Carawo iyo Daleys ayaa ah hooyoyinka fanka, waayo waxay ahayeen labadii gabadh ee ugu horeeyay ee heesa gayiga soomaliya taariikhda, sidaa awadeed waxay mudan yihiin in si gooni ah loo tixgaliyo.



Daleys ayaa ku luuqeeysay heeso badan oo iskugu jira wadani, Jecel iyo guubaabo, si lamid ah Khadiijo ayaa kasoo muuqatay riwaayado badan, kuwaas oo ay kala soo dhex muuqdeen fanaaniinta soomalida kuwooda ugu waa wayn.

Dalays ayaa fanka ku guda jirtay in kabadan Lixdan Sano, walina ma cada inay soo gabagabaysay fanka iyo in kale, waxaase hubaal ah in aanay is badalin codkeeda, madaama Ilahay uu ku maneeystay cod halaasi ah kaas oo cid waliba ku riyooto.



Dalays hadda waxay qeyb ka ahayd Jaaliyada Soomalida Kanada, xilli da’deeda ay 80 sano sii dhaaftay, balse lagama dareemeyn da’da oo waxa ay ahayd AUN joobanaato aan Jilib xanuun xitaa aan qabin, sidoo kale waxay kamid tahay dadka ugu saameeynta badan soomalida taariikhda, balse waxaa xusi doonta taariikhda.

Khadiija ayaa ka mid ahayd dadkii naftooda ugala cararay dalka markii burburku ku yimi qarankii Somaliyeed.

Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun


admin:

This website uses cookies.