X

Taariikh nololeedka gaaban ee Allaa yarxamu Sahra Axmed Jaamac

Waxa shalay magaalada Hargeysa Ku geeriyooday fanaanadii caanka ahayd ee Sahra Axmed Jaamac oo taariikhda fankeedu aad u dheeraa.

Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ahayd tiirarka waaweyn ee Fanka Soomaaliyeed waxay ka mid ahayd fanaaniinta ugu heesaha badan fanaaniinta Soomaaliyeed,isla markaana heeso la wadaagtay ama la qaatay inta badan ragga fanaaniinta ah ee waaweyn, waxaanay ahayd qof cod tolmoon oo sida loo hela yar tahay.



Marxuumad Sahra Axmed Jaamac waxay dhalatay sanad ku beegan 1956-dii, waxaanay ku dhallatay gobolka Togdheer, waxaana fanka ku soo biirtay hilaadii 1969-kii iyadoo wakhtigaasi la sheegay inay da’deedu ahayd 13 jir sida ay sheegeen dadkii ay ku walaaloobeen fanka Soomaalidda.

Sahra Axmed Jaamac riwaayadihii ugu horeeyey ee ay ka qaybqaatay xidigtana ku noqotay waxa ka mid ahaa iwaayad uu curinteeda lahaa Abwaan Cali Sugule (Dun-carbeed) oo inta badan magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida ka dhigeen. Waxa kale oo ka mid ah riwaayadaha ay Agtarada ka noqotay riwaayadii ‘Garashaa Garab Wayday oo uu uu sameeyey Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.



Sahra Axmed Jaamac heesaha badan ee ay qaado kuwo ugu saameynta badan ama loogu jecel yahay waxa kamid ah kuwan hoos ku qoran:

Suul dhabaale Sahro Axmed vs Cabdiraxmaan dheere, Qooraansi eegmadu. Sahro Axmed iyo Axmed Mooge, Goormeynu darisnaa oo ay wada qaadaab Sahro Axmed iyo Muuse ismaaciil Qalinle, Wadaryahay oo ay ku wada luuqeeyaan Sahra Axmed iyo Cabdi Cali Bacalwaan, heesta Beerqaad oo ay wada qaadaan Sahra Axmed iyo Maxamed Axmed Dhabarlow, heesta Nabsi oo ay wada qaadaan Sahra Axmed iyo Maxamed Yuusuf Cabdi, heesta Faraskaagii laga badi oo ay wadaagaan Sahra Axmed iyo Bacalwaan, heesta kale ee Haatuf oo ay wada qaadaan Sahra Axmed iyo Xasan Aadan Samatar, heesta kale ee Shini oo ay ku wada luuqeeyaan Sahra iyo Axmed Mooge. Barasho oo ay wada qaadaan Sahra iyo Bacal waan, gacantaada midig Sahra iyo Aadan Hure, Ima Baran oo ay wada qaadaan Sahra Axmed iyo Maxamed Yusuf.



Sahra Axmed Jaamac oo ahayd waayeelka Fanka iyo hiraalka fanka Soomaaliyeed ee lagu daydo, waxay iska kaga tagtay 11 Caruur ah, waxaanay ka mid tahay fanaaniinta ugu caruurta badan.

Maxaned Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.