X

Taariikhda haweenka Muslimka ee ku dayashada mudan

Haweenka Islaamku waa lafdhabarta qoyska waana halka Somaludu ka liici weyday xilligan burburka lagu jiro. Waa kuwa had iyo jeer kaalintooda aan gabin xataa ayadoo noloshu aad ugu adagtahay haddana cadceeda u fadhiya sidii ay caruurteeda sharaf ugu noolaan lahaayeen.

Hwaeenka Muslimka waxa ay kumannaan sano kahor uga tageen bulshadooda raadad togan oo muujinaya doorkoodii horumarineed.


Inkastoo insga Somali ahaan aan xusno kaliya haweenkeena dagaalka ka qayb qaatey waxa buuxa kuwo u tafoxaytey u gargaarka dadka iyaga ka liita, waxaanan u baahan nahay in aan u magacowno dugsiyo, wadooyin  iyo jaamacado.

Xadaaradihii Muslimiintu ay gaadheen qarniyadii hore waxa qeyb weyn ka ahaa haween kartidoodu ay dhaaftay inta caadiga ah kuna guulaystay in ay horumariyaan bulshadooda iyaga oo ragga la shaqaynaya.

Waxaana ka mid ahaa haween noqday hormoodka ummaddooda dhinacyada maamulka, Dhaqanka, Caafimaadka, Beeraha, Falasafadda, xidigaha iyo Farshaxanka.


Shalay oo ku beegnayd 8-da Maarso oo loo asteeyay maalinta haweenka adduunka, inkastoo inagu aynasn samayn haddana waxa laga xusaa dalkeena, ma aha maalin kufilan haweenka waana ay ka ballaadhanyihiin maalin loo asteeyo oo la xuso, ee toodu waa joogto maadaama aan nahay dad Muslim ah oo aan la xasuusin karin micnaha hooyada sida gaalada loogu sameeyay maalinta hooyada iyo aabaha.

Hadaba qoraalkan kooban waxa aynu kusoo qaadan doonnaa qaar kamid ah haldoorkii haweenka Islaamka ee aduunks Muslimka ah ka caan baxay.


1-LABANANADII Qordhaba oo Isbayn ah : Waxa ay noolayd qarnigii 10-aad waxaana ay ku fiicnayd Xisaabta iyada oo xallin jrtay masalooyinkii ugu adkaa xilligaas ee xisaabaadka jometariga iyo Aljebra. Waxayna ku mudatay in xil weyn loo

FADUMA AL-FIXRI: Waxay ku dhalatay Magaalada Qeyrawan ee dalka Tuuniisiya waxa aanay ku takhasustay Shareecada Islaamka gaar ahaan Culuumta Fiqiga iyo Axaadiista, Faduma waxa ay bulshadeeda u dhistay Masjid taariikhdu markay ahayd 859-kii, waana mid shaqeeya illaa maanta loona aqoonsanyahay in uu yahay goobtii ugu horraysay adduunka ee laga qaato shahaado Degree ah oo waafaqsan habka caalamiga ah ee maanta la raaco sida ay u aqoonsatay hay’adda caalamiga ee waxbarashada,Sayniska iyo dhaqanka ee (UNESCO) waana Jaamacadda hadda lagu magacaabo (The University of Al Quaraouiyine) oo kutaalla magaalada Fez ee dalka Morocco, waxaana ay ku jirtaa Buugga lagu qoro dhacdooyinka dunida ee (Guinness world record).


MARYAM AL-IJLIYA AL-ASTRULABI: Waxa ay noolayd qarnigii 10-aad, iyada oo ku takhasustay culuumta xidigaha siiba kan lagu mato badda oo si weyn ay u isticmaalaan dadka Badmareenka ah kaasi oo ay ku kala gartaan wakhtiga iyo Jihada , Maryam ayaa xilliga ay hindistey qalabkan waxa ay ku sugnayd Magaalada Xalab ee dalka Suuriya. Maryam waxa ay sidoo kale la shaqaysay Amiirkii Magaalada Xalab oo lagu magacaabi jiray Sayf al-Dawla, cilmigana waxa ay ka dhaxashay Aabbaheed oo ahaa xiddigiye caan ah laguna magacaabi jiray al-ʻIjliyy al-Asturlabi.

AMINA SAHRA: Waxa ay ahayd boqorad awood badan oo maamuli jirtay Boqortooyadii dhul ka mid ah waqooyi galbeed Afrika intii u dhaxaysay sannadihii 1588 illaa 1589, Amina waxa ay ahayd inantii ugu weynayd ee uu dhalay Bakwa Turuku kaasi oo ahaa aas aasihii Boqortooyada Zazzau sannadkii 1536-kii waxaana ay talada boqortooyadaas ay gacanta ku haysay muddo 11 sano ah una dhaxaysay 1588-kii illaa 1589-kii, inkasta oo taariikh yahannadu ay isku khilaafsanyihiin qaabkii xukunkeeda oo qaarkood ay leeyihiin waxa ay ahayd gabadh arxan daran oo dagaal badan haddana waxa la isku raacsanyahay in ay lahayd xukun dhab ah iyo hibooyin badan oo ay ka mid ahaayeen xirfadda Injineernimada iyo xeeladaha ciidamada waxaana ay adeegsan jirtay awood ciidan.


haweenka Muslimka ayaa garab u ah ragooda waxaana xusid mudan in mudooyibkii burbhrka anyba hin gacabtii ay ufa baahnaayeen ragooda inkastoo la iran karo rag badan waxba ma hagran  Waxase muhima ib la xusi taariikhda haweenma Somaliyeed si ay il-arag ugu noqdaan jiilka dambe

Rashiid Ceelaanyo

ARAABIBEWS


admin:

This website uses cookies.