X

Tahriibayaal Somali ku jirto oo xaalad xun laga soo badbaadiyay

Tahriibayaal Somali ku jirto ayaa xaalad xun laga soo badbaadiyay badda u dhaxaysa Turkiga iyo  Giriiga.

Tahriibayaasha ayaa isugu jirey Somali, Siiriyaan iyo Suudaani sida lagu sheegay warbixinta. Sida laga soo xigtay ilaalada badda dadkaani ayaa doonaayay in ay si sharci daro ah ku galaan Qaaradda yurub, waxaana la sheegay in Muddo dhowr Saacadood ah ay dhex jireen Badda.



Ilaalada xuduudaha ayaa cunto iyo biyo ugu deeqay dadka la badbaadiyey, iyadoo dhowr saacadood ka dib ay si nabadgelyo ah ugu degeen dekedda magaalada Chios waxaana lagu wareejiyey mas’uuliyiinta Giriigga.



Tan iyo bilawgii sanadkaan, ilaalada xuduudaha Giriiga waxay badbaadiyeen, in ka badan 1,300 oo dad ah oo dhibaato ku haysta doomaha yaryar.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

.

admin:

This website uses cookies.