Wararka ka imaanaya Liibiya ayaa sheegaya in halkaas lagu diley ugu yaraan 40 tahriibeyaala kadib markii la duqeeyay goob ay ku xeraynaayeen oo ku taal caasimada dalkaasi. Liibiya,ayaa waxa ku hardamaya uryrka akhwaan Muslimiin oo taageero ka haysta Turkiga iyo Qadar iyo kuwa diidan urur diimaha ee uu hogaamiyo jeneral Khaliifa Xaftar.
p style=”text-align: justify;”>Nin u hadley kooxaha gurmadka ayaa sheegay in ugu yaraan 40 lagu diley duqeyntaas in ka badan 80 qofna ay dhaawac yihiin. Tahriibeyaashan ayaa ku jirey xero u dhow saldhig milatari oo ay isticmaalaan kooxda akhwaan Muslimiin ee fadhida caasimada.
Weerarkan ayay ku eedeeyeen inay qaadeen diyaaradaha jeneraalka oo iyaga bartilmaameedkoodu ahaa xeryaha milatari ee ururka akhwaanka oo ku yaala xaafada Tajoora ee bariga caasimada.
p style=”text-align: justify;”>Afhayeen u hadley jeneraal Khaliifa ayaa beeniyay inay weerareen xerada sheegayna in kooxda akhwaanku gaysteen weerarka kadib markii ay qasaare gaarsiiyeen.
Lama sheegin wadamada ay ka soo jeedaan waxase la sheegay inay ahayd xero ay ku jiraan dalaka geeska Afrika oo ay dhici iyo galbeedka Afrika.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS