X

Taliska Amisom oo soo arkay halkii uu dagaalka ka dhacay ee Ceel-Cadde

Ku simaha Taliyaha ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo halkaas oo lagu laayay askar badan oo Kiiniya ah.

Sargaalkan ayaa soo arkay sidii uu u dhacay dagaalkii Ceel-Cadde, gaadiidkii la gubay iyo qasaaro kale oo aad ubadan.

Taliyaha Amisom ayaa xaqiijiyay in qasaaro xoogan uu ka dhashay weerarkii Ceel-Cadde hase ahaate sababta ay Soomaaliya ujoogaan aysan ahayn kaliya nabad ilaalin ee ay tahay nabad dhalin sidaa darteed ay qasab tahay iney wajahaan dagaalo qasaaro uu ka dhasho.

C/llaai Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.