X

Taliska ciidamada Somaliya oo la xisaabtamaya taliye Amisom ah oo yasay

Taliska ciidamada Somaliya ayaa la xisaabtamaya taliye Amisom ah oo yasay. Taliyaha Amisom ee ka soo jeeda Yugandha ayaa warbixin ku sheegay in Somaliya loo been guurayo oo laga ilaalinayo inay ciidan yeeshaan. Waxa loola dhaqmaa sida Ciraaq iyo Afganistaan ayuu yiri.

Taliyaha hoggaanka siyaasada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare C/Xamiid Sheekh Cali Xaydar oo la hadlay Idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ay qalad ay tahay in Sarkaalka ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Ciidamada Uganda uu sharaf ka dhac ku sameeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.


Ciidanka AMISOM ayuu sheegay in ay Soomaaliya ku joogaan nidaam islamarkaana uu iskaashi kala dhaxeeyo ciidamada xoogga dalka, waxa uuna tilmaamay in AMISOM ay Soomaaliya u joogaan in ay la dagalamaan argagixisada oo gurmad siiyaan dadka Soomaaliyeed balse aan looga baahneyn in ay xumaan ka sheegaan ciidamada xoogga dalka.


Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Korneel C/xamiid in Yuganda markii ay bur bursaneed ay Soomaaliya ciidamo ka socda tageen dalka islamarkaana halkaasi ay ku caawin jireen shacabka reer Yuganda.

Dhismaha ciidamada qalabka sida ayuu sheegay in ay hortaagan yihiin dalalka ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xariiqay qarashaadka lagu bixin lahaa dhismaha ciidamada inay qaataan ciidamada AMISOM.


Dowladda Uganda ayuu ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay raali galin uga bixiso gafka uu ciidamada Soomaaliya u geystay Korneelka ka soo jeeda Uganda isagoona intaasi raaciyay in sharciga ay la tiigsan doonaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.