X

Taliyaha ciidanka oo booqdey Gaalkacayo iyo ujeedada: SAWIRO

Taliyaha ciidanka Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod  ayaa booqdey Gaalkacayo. Ujeedka uu Taliyaha uu u gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxay tahay sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo waliba sahminta suurta galnimada qorshaha isku dhafka loogu sameynayo Ciidamada Xoogga dalka.



Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo booqan doona xeryaha ciidamada Xoogga dalka, isagoo ku dhiira gelinaya dadaalka ay ugu jiraan Difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.