X

Taliyaha ciidanka xooga dalka oo ku dhawaaqay inuu magacii ka badalay Xeradii Tababarka Ciidanka ee Jaziira iyo geesi loogu magacdaray

Taliyaha ciidanka XDS S/gaas Maxamed Aasan Axmed ayaa xarunta wasaaradda Gaashaandhigga kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka XDS kaasoo looga hadlay xaaladda ciidanka, iyo habka ay u socdaan howlgallada ciidamadu ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Kooxda fanaaniinta ciidanka XDS ee Horseed ayaa furitaanki kulanka ku soo bandhigtay suugaan qiira leh iyo riwaayad ka tarjumeysa waxqabadka ciidamada XDS, taasoo ay aad ugu riyaaqeen taliyaha iyo saraakiishi ka qeybgashay kulankaasi.

Taliyaha ciidanka XDS ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in dugsiga tababarka ciidamada Jasiira loogu magic daray Abaanduulihii hore ee ciidanka XDS Jeneraal C/kariin Yuusuf Aadan “Dhegabadan’ wuxuuna saraakiisha faray inta magaca dugsiga Jasiira lagu bedelay sidan “Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan”.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.