Taliyaha cusub ee ciidanka ayaa la wareegay xilkii balana qaaday in argagixisada la ciribtiro.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo Wasiir dowlaha Wasaaradda Gaanshaandhiga.
Taliyaha hore ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Jimcaale Geeddi (Cirfiid) ayaa xilka ku wareejiyay taliyaha cusub, waxaana uu sheegay in laga doonaayo in uu wax ka qabto baahiyha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Cabdiwali Xuseen Jaamac(Gorod) taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga ayaa dhankiisa sheegay in kasii wadi doono Shaqadda halkii uu kaga tagay taliye Cirfiid, waxaana uu tilmaamay in ciidamada xoogga aysan shaqeyn karin hadii aan la helin Siyaasad wanaagsan.
Khamiistii lasoo dhaafay ayay aheyd Markii uu taliyaha Ciidamada xoogga dalka uu xilkaasi iska casilay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS