X

Taliye booliis iyo ku xigeenkiisa gobolka Saylac oo shil ku dhaawacmey iyo meel lagu daaweeyo oo la waayay

Wararka laga helayo degmada Saylac ayaa sheegaya in shil gaadhi oo shalay xilli dambe ka dhacay tuulo u dhow Saylac ay ku dhaawacmeen taliye booliis iyo ku xigeenkiisa.

Maayerka degmada Saylac oo la soo xiriirey saxaafada ayaa sheegay in shilkani uu jiro isla markaana uu xiran yahay isbitaalka magaaladu oo dadkaas dhaawacmey lagu dawaynayo xarumaha.

Waxa kale oo uu sheegay in Shilkani uu yimid markay isku dhaceen Gaadhiga Booliiska ee Saraakiishu la socotay Iyo Gaadhi nooca Xamuulka qaada ah, isagoo intaa raaciyey in labada Gaadhi ay isku qariyeen Roobab ka da’ayey Gobolka Selel iyo Dabaylo socday Xilliga Gaadiidku iska hor-yimaaddeen.

Shilkan wax khasaare ahi kama soo gaadhin Dadkii saarnaa Gaadhiga Xamuulka ah sida uu sheegay Badhasaabku.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.