Alle ha u naxariistee waxa habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa Marxuum Dr Cumar Cilmi Dixood oo ahaa la-taliyihii Madaxweyne Siilaanyo ee arimaha siyaasadda.
Marxuum Dr Cumar Cilmi Dixood ayaa la sheegay in uu u geeriyooday xanuun ku soo boodo ah,kaas oo habeenkii xalay ahaa haleelay,waxaana la sheegay in maydka marxuumka la geeyey qolka maydka ee cisbitaalka magaalada Hargeysa.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS