X

Taliye ka tirsan maamulka Puntland oo qarax ku dhintey iyo sida weerarku u dhacay

Taliye ka tirsan maamulka Puntland ayaa qarax ku dhintey waxana soo baxaya sida qaraxu u dhacay. Cali Ibraahim Cali  (Cali Magafe) ayaa u geeriyooday dhaawac Qaraxa loogu xiray Gaari uu watay.

Qaraxan ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee wadada marta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland.

Cali Magafe, wuxuuna ka tirsanaa ciidamada Booliska Puntland, xilliga la qarxinaayay gaarigiisa ayaa wuxuu u sii socday goobtiisa shaqada.



Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Puntland, kuwaasi oo goobta ka qaaday dhaawaca Sarkaal Cali Magafe, waxayna geeyeen Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo uu ku geeriyooday.



Qaraxa gaariga loogu xiray Sarkaalkaasi ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ahaa nooca dhejiska loo yaqaan ee Baabuurta lagu xiro kaas oo ay can ku yihiin argagixisada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.