X

Taliye sare oo ka tirsan Amisom oo booqdey jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose+SAWIRO

Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM, Jen. Jonathan Rono ayaa booqday saldhiyada ciidamada AMISOM ee Jaziirada Kudhaa oo bishii Maarso ee sanadkan lagala wareegay maliishiyada shabaab oo mudo sanado ah maamuleysay.

Taliayaha ayaa intii uu booqashada Kudhaa ku guda jiray la kulmay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Kiiniya iyo Saraakiisha ciidamada Soomaaliya, isagoo kula dardaarmay in ay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada shabaab.

Ciidamadeennu Waa kuwo diyaar u ah inay ka hortagaan weerar walba oo kaga yimaada dhankooda iyo Cid walba oo carqalad wadda. Waayo ciidamadeennu waa kuwo u tababaraan inay ka hortagaan weerar walba oo gaadmo ah. Khasaarihii ciidankeena kasoo gaaray weerarkii Leego ma ahan mid ah inay shabaab guuleysatay. Waxaad arki doontaan maalmaha soo socda sida aan ula dhaqmeyno argagixisada,” ayuu yiri Jen. Jonathan Rono.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.