X

Taliyihii ciidanka ilaalada madaarka Boosaaso oo bilaa ilaalo ahaa oo toogasho lagu dilay

Waxaa goordhawayd oo maanta ah magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari toogasho lagu dilay taliyihii ciidanka ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso Col. Xasan Shire Amaan, waxaana dilkiisa gaystay sida wararku sheegayaan mid mid ka ah askarta ciidanka garoonka oo muran uu dhex maray.

Askarigii dilka gaystay ayaa baxsaday sida ay sheegayaan wararka aan Boosaaso ka helayno, lamana oga sababta rasmiga ah ee askariga ku kaliftay inuu taliyihiisii dilo, balse dad ka ag dhawaa ayaa sheegay inuu jiray muran dhex maray taliyaha iyo askariga dilka ka hor.

Col. Xasan Shire Amaan ayaan lahayn wax ilaalo ah oo isaga u gaara, waxaana magaalada lagu dhex arki jiray isagoo kaligiis soconaya,mana jirin cabsi uu ka qabo inuu gacan bini’aadam ku bixi doono.

Waxaa hadda magaalada Boosaaso ka socda baaritaano xoog leh oo ciidamada ammaanku ay wadaan kuwaas oo lagu raad joogo askariga dilka gaystay ee fakaday, waxaana kaantaroolada iyo waddooyinka ka baxa magaalada ka socda baaritaano baaxad leh.

Col. Xasan Shire Amaan ayaa taliyaha ciidanka garoonka diyaaradaha Boosaaso ahaa muddo 12 sano ah,waxaana uu ahaa nin hufo oo howl kar ah, Alle ha u naxariisto.

Jeneraal Afgaduud waxaa uu sheegay inay ku raad joogaan gacan ku dhiiglaha ayna xiran yihiin guud ahaan waddooyinka laga soo galo magaalada Boosaaso, balse ay hayaan xog ah inuu gudaha magaalada ku dhuumaalaysanayo, sidoo kalena ciidamada Booliisku ay gudaha magaalada ka wadaan baaritaano xoog leh.

Taliyuhu waxaa uu sheegay in dalku uu dhacay afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha laga galo, waxaana uu intaas ku daray in la xir xiray dhammaan askartii halkaas ku sugnayd hadana uu ku socda baaritaan la xiriira waxa ay ka ogaayeen dilka taliyaha iyo sababta ay u qaban waayeen ruuxa dilka gaystay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.