X

Taliyeyaal la isku bedelay inkastoo qaar hore la soo celiyay

Taliyeyaal la isku bedelay inkastoo qaar hore la soo celiyay. Waxa xilkii laga qaaday taliyihii nabadsugida waxana lagu bedelay Sambalooshe oo hore u hayay booskaa kuna fashilmey.

Kulan xasaasi ah oo u socday Golaha Wasiirada ayaa lagu horkeenay soo jeedin ku aadan magacaabis xilal, iyadoo kulanka laga akhriyay warbixin.



Waxaa kaloo la magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Sidoo kale waxaa iyana la sheegayaa in xilka Taliyaha ciidanka Booliska loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid.

Kulanka Golaha Wasiirada oo wali socda ayaa ah kulankii labaad oo lagu magacaabo illaa afar Taliye,  iyo Gobolka Banaadir.



Isbedeladaan ayaa dadka Muqdisho gaar ahaan filayaan in ay keenaan yididiilo cusub inkastoo shaqsiyaadkan ayna cusbeyn ee la raacay nidaamka 4.5 oo ay ka maqan tahay beesha DIR.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.