Talyaaniga ayaa si toosa u qaabiley soo galooti laga soo qaadey Liibiya. Soo galootigan oo ku sugnaa Liibiya ayaa lagu soo qaaday laba diyaaradood o ka duuley Tripoli.
Soo galootigan ayaa gaaraya 162 qof oo Liibiya u joogey inay ka soo tahriibaan. Tahriibayaasha jooga Liibiya ayaa la bilabay in si toosa loo adoonsado taas oo Afrika ka carootey laakiin ku fashilantey inay dadkeeda dib u ceshato.
V-ga Dowladda liibya ayaa sheegay in mid ka mid ah labada diyaaradood ay saarnaayeen 108 muhaajiriin, halka midda kale ay saarnaayeen 54 muhaajiriin ah, waxaana soo dhaweyntooda ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Taliyaaniga Marko Minniti iyo masuul ka socday Hey,adda Qaxootiga Aduunka UNHCR oo lagu magacaabo Vincent Cochtel.
Shir jaraaid uu ku qabtay dalka Taliyaaniga MR Marco Minniti waxa uu sheegay in tani ay tahay mid bilow ah,isagoo xusay inay sii wadi doonaa howlaha gurmadka, lana kaashanaya Hey,adda Arrimaha Qaxootiga Aduunka.
Lama garan karo in daadgureyntan socon doonto iyo inay tahay mid halmar la sameeyay.
Rashiid Ceelanyo
ARAABINEWS