X

Tansaaniya oo cudur aan la garanayn ka dilaacay

Wararka laga helayo dalkaasi Tansaaniya ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dilaacay cudur aan la garanayn. Masuuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay inay baarayaan nooca cudur ee uu yahay. Cudurkan ayaa ka dilaacay Koofur galbeed dalkaai oo xadka la leh Afrikada Bari.

Dadka uu cudurkani ku dhacay ayaa matagaya dhiig waxana loo malaynaaa inuu yahay cudurka Iboola oo dib uga qarxay dalkaasi Koongo. Dhaqaatiir ka socda Koongo iyo qaramada midoobey ayaa gaaray halka cudurka Iboola ka dilaacay.

Bukaanada qaarkood ee cudurkan ayaa dhaqaatiirtu sheegeen inay ku dhimanayaan saacado, ayadoo wasaarada caafiaadka ee dalkaasi sheegtay iany u direen khuburoka socota ururka caafimaadka aduunka.

Wasaaradda Caafimaadka ee Tanzania ayaa sheegtay in ay koox khubaro ah u dirtay halkaas, si ay baaritaan uga soo sameeyaan waxa uu yahay cudurkan.

Dadweynaha ayaa laga codsaday inay isdejiyaan inta ay wax badan ka ogaanayaan nooca cudur ee uu yahay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.